U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Iyo Dhiggiisa Turkiga Oo Xarigga Ka Jaray Dhismaha Safaaradda Turkiga Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga  Recep Tayyib Erdogan oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Maxamed Salaad Cismaan oo goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu furay safaaradda ayaa soo sheegaya in sidoo kale halkaasi ay ka muuqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Labada dowladood.

Munaasabaddaasi waxaa hadallo ka jeediyey wasiirro iyo ganacsato Turkiga ah kuwaasi oo ka hadlay xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweyne Ordugan oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay sii ballaarin doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa isna ammaanay dadaalka dowladda Turkiga iyo sidoo kale mashaariicda ay ka waddo Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyey dadaalkaasi.

Waxaa hadda soconaya kulamo saxaafadda dibad joog ay ka tahay oo madaxweynaha Turkiga iyo madaxda dowladda Federaalka ku leeyihiin isla gudaha safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa goor dhaw la filayaa in sidoo kale uu xarigga ka jaro isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka oo dhawaan Turkiga ka hirgeliyay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News