U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Iyo Dhiggiisa Uganda Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka Ciidan Ee Labada Dal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Gen. Yoweri Kaguta Museveni ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe.

Kulankan ayaa ajendayaasha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa iskaashiga dhinaca milateri ee labada dal ka dhexeeya, doorka ciidammada Uganda ee hawlgalka AMISOM, dagaalka lagula jiro argagixisada gobolka iyo dib u dhiska ciidammada Soomaaliya.

Madaxweyne Museveni oo  dib loogu dhaariyey inuu xilka sii hayo, ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso dhinacyada amniga, siyaasadda, adeegyada bulshada iyo dib u soo nooleynta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxaa kale oo labada Madaxweyne ay isla gorfeeyeen doorashooyinka lagu wado inay sannadkan ka dhacaan Soomaaliya, iyadoo uu Madaxweyne Museveni aqbalay codsi uu soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ay doorkooda ka qaataan sugidda amniga waqtiga doorashada, oo ay gacan siiyaan ciidammada Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartey in marka laga soo tago iskaashiga dhinaca amniga ah, loo baahan yahay in la ballaariyo dhinacyada ay kale ee ay iska kaashan karaan, siiba dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, tiknoloojiyadda, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo gabagabeeyay safarkii uu ku joogay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

————-DHAMMAAD———
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada