U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan iyo Farmaajo oo Madaxtooyada Ku Kulmay

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan maanta ku yeeshay xarunta madaxtooyada, kwaxaana uu ahaa mid booqasho iyo salaan isugu jiray.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale iska xogwareystay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladda kala guurka ah, iyadoo dhowaan Muqdisho lagu wado in lagu caleemo saaro madaxweynaha cusub oo 15-kii bisha labada gole ee Baarlaamnku ay doorteen.

Farmaajo ayaa hambalyeeyay madaxweynaha 10-aad Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, waxaana uu Alle uga baryay masu’uuliyadda culus ee loo doortay inuu u fududeeyo, isaga oo dalbaday in si buxda loola shaqeeyo madaxweyne Xasan.

Goobjoog News