U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Ma Jirto Colaad Iyo Kala Qeybsanaan, Laakiinse Waxaa Jirta Talo Ruug”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxbadan ay isla meel dhigeen isaga iyo madaxda maamul goboleedyada kadib kulamadii maalmahaan uga socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Madaxwayne Xasan ayaa hadalkaan  ka jeediyay xaflad xalay ka dhacday magaalada Kismaayo oo ay si wada jir ah uga soo qeyb galeen dhinacyada kala duwan ee ka qeyb qaadanaaya shirka jiheynta arimaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in dadaal badan loo soo galay sidii loo gaari lahaa heerka ay haatan Soomaaliya joogto, islamarkaana aanay ku imaan oo kaliya shir ama Laba shir la qabtay.

Muhiimadda dowladiisa ayuu sheegay inay ahayd in ay si tartiib ah u socoto si wax walba oo horyaalla maskax deggan iyo shaqo badan loogu guuleysto.

Soomaaliya ayuu sheegay in marnaba aanay dib u noqoneyn meesha ay joogtana kasii socon doonto.

“Soomaaliya dib u noqon meyso, meesheedana taagnaan meyso oo wey sii soconeysaa, wax walbo ayaan sameyneynaa oo dadkeenna xilligaan hayaanka dheer lagu jiro ee safarka iyo wadada dhibka badan la marayo, wax kasta oo dadkeena isku haynayo oo isku wadayo oo duruufahaasi dhibka badan wada marsiinaya oo aan qaarna ka tageyn qaarna boholaha ku dhacayn waaye waxa aan dooranay marka sidaas ayaa laga yaabaa in qunyar socod ama wax degdeg nalooga rabay nooga soo bixi waayaan, laakiinse dadka waxaan rabaa inaan u sheego inaysan jirin colaad, kala qeybsanaan iyo kala tag laakiin waxaa jirto talo in la ruugo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Magaalada Kismaayo waxaa shir uga socdaa xubnaha madasha wadatashiga qaran, iyadoo la filayo shirkaan laga soo saaro aragti kama dambeysa ah oo ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkaan 2016.

Goobjoog News