U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Madasha Wey Jireysaa Illaa Meel La Gaarsiiyo Howlaha Ay Xilkooda Qaaddey”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirkii madasha Wadatashiga qaran ayaa ka hadley arrimo dhowr ah  oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan ayaa sheegay in madasha ay jiri doonto inta dalka ay ka dhacayaan doorashooyinka, isaga oo meesha ka saaray wararkii sheegayey in madasha kulankii dhowaan ku yeesheen Muqdisho ahaa koodii ugu dambeeyay.

“Madashu marar badan waxaa la yiraahdaa waa shirarkii ugu dambeeyay oo madasha iyo wax la mid ah, sidaa ma ahan, madashaan wey jireysaa illaa howlahaasi xilkooda qaaddey meel gaarsiiso, daqiiqad walbo oo loo baahdo in ay soo baxdo arrin u baahan in madasha iska aragto wey isku imaan doontaa madashu, meesha u fudud oo dalka gudahiisa ah ayeey isugu imaan doontaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale ku celiyey in hoggaanka madasha wadatashiga qaran ay ka go’an tahay in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.

“Waxaan rabaa mar kale dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in u caddeyno, madasha waxaa ka go’an doorashooyinka dadbadan ee dalka ka dhacaya sanadkaan 2016  in ay waqtigoodii ku dhacaan oo maalinna aan laga bedalin, maalinna lagu darin, wixii kale ee soo baxana markii ay soo baxaan baan xallineynaa, laakiin arrimahii doorashada haddii ay tahay miisaaniyaadda, qaabkii dorashada, hay’adihii iyo wixii doorashada ka shaqeyn lahaa guddiyadii, amnigii wax walbo oo diyaar garow ah oo doorashadaasi loogu diyaar garoobayo iney dhacdo xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo gacmaha is haysta ayaa sameeyay waa diyaar”

“Dadka Soomaaliyeed haku kalsoonaadaan dowladooda, hana isku kalsoonaadaan hana u diyaar garoobaan iney tagaan goobahaasi, cabsida iyo shakiga aan aad iyo aad u yareenno, Odayaasha Soomaaliyeed ee sharafta badan  ee ka tirsan 135 Oday iyaguna in firfircooni dheeri ah iyo dadaal dheeri ah muujiyaan oo doorkooda kasoo baxaan baan ka codsaneynaa, haddii Odayaasha doorkooda kasoo baxaan, guddiiyada doorkooda kasoo baxaan, dowlad goboleedyada doorkooda qaataan, dowladda Federaalka ay doorka ay leedahay qaadato oo beesha caalamkana doorkeeda qaadato howlahaasi waxay  u dhaceysaa doorashada si aad u sahlan, cid kasta doorkeeda ayeeey leedahay, Jamhuuriyadda Soomaaliya mar hore ayaa go’aan la gaaray oo uu noqdo Federaal wuuna soo noqday,  inta dhimanna waa la dhameystirayaa, doorashadaan dalka dantiisa ayaa ku jirta, sumacadda umadda Soomaaliyeed iyo magaca Soomaaliyeed midnimada dalka ayaa ku jirta” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney kaalin ka qaataan fududeynta doorashooyin dalka ka dhaca.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan mar kale ugu baaqayaa dhammaan iney u istaagaan iney fududeeyaan qabsoomidda doorashooyinka, waxaan rabaa in kalsooni buuxda ay qaadaan dadka Soomaaliyeed, ajende gaar ah oo qof, maamul ama hay’ad gaar ah oo dowladda ka tirsan ka leedahay Doorashooyinka ma jiraan oo aan ka ahayn doorasho Soomaaliyeed oo waqtigeeda iney dhacdo ah oo si daah furan u dhacda”

Dhinaca kale madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka aaney wax shaqo ah ku lahayn siyaasadda.

“Guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka siyaasad shaqo kuma lahan, waxa la dhisayo oo la isku keenayo waa kii dhexe oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeyay, qof walbo hoggaanka ugu fiican, xildhibaanka ugu fiican, ugu dal iyo dad jecel in lasoo doorto ayaan rabnaa, qof qof lahaan karo ma jirto, xildhibaan koox lahaan karto ma jirto, baarlamaanka aan  soo dooraneeyno waa kii Federaalka ahaa oo dalka oo dhan ka dhaxeeyay, aan soo xulanno dad fiican una soo xulanno si nadiif ah oo yaanan gelin kala shaki, aad ayaana ugu kalsoonahay in sidaasi wax u dhici doonaan, dowladda Federaalka diyaar ayeey u tahay in wax walbo u dhacaan sida ugu muhiimsan” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjoog News