U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Cambaareeyay Qaraxii B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay galbeedka magaaladda Beledwyeyne.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxeynaha Soomaaliya oo la hadlay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle , ayaa kaga tacsiyeeyey qasaarahii uu geystay qaraxa Beledweyne ee ay nabad-diidka geeysteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha Nabad-diidku ay ku howlan yihiin dhibaateynta dhacabka, halka Dowladduna ay ku howlan tahay sidii shacabka loogu horseedi lahaa nabadeyn, horumar iyo barwaaqo.

-Dhammaad–