U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Cambaareeyay Qaraxyada Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa cambeeyay weerarka isniintii ka dhacay dalka Sacuudiga.

“Anigoo ku hadlaya magaca Soomaaliya waxaan cambaareynayaa weeraradii iyo qaraxyadii lagu qaaday dhulka barakeysan, waxaan sidoo kale xanuunka la qeybsanayaa walaalaheen boqortooyada Sacuudiga”

Madaxweyne Xasan waxaa uu carabka ku adkeeyay in dunida muslimka iyo dhamaan dunida ay meel uga soo wada jeestaan  argigixisada.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in weeraro ay ka dhaceen Soomaaliya mudadii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, loona baahan yahay in la iska kaashado in la ciribtiro dadka qaraxyada geysta.

Goobjoog News