U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Danjireyaasha Wadamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya Uga Warbixiyey Xaaladda Guud Ee Dalka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada afur ugu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih iyo danjireyaasha waddamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjireyaasha si kooban uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka la sameeyay, gaar ahaan qorshaha doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo sannadkan.

Munaasabaddan afurka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgaley xubno ka tirsan Labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

004 005 006 008 009 10 12 13 16

——————–DHAMMAAD–———–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya