U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Darajadii Ciidan Usoo Celiyay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka.
“Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabay Villa Somalia.
Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saadaq Cumar Xasan oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa darajadii ka qaaday Farmaajo, kadib markii uu hor istaagay muddo kororsi uu damacsanaa.
Saadaq Cumar Xasan ayaa ahaa taliyihii ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, ka hor inta aan xilka laga qaadin, iyadoo lagu badalay Farxaan Qaroole, waxaana uu xilkaas ku waayay kadib markii uu hor istaagay kulan ay lahaayeen Baarlamaanka oo la rabay in lagu sameeyo Muddo kordhin loo sameeyo taliskii Farmaajo, taas oo lagu amaanay.
Goobjoog News