U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Dib u Furay Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib u furay shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Waxaa magaalada Jowhar tagey maanta madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo madaxweynaha uu khudbad dheer u jeediyey Odoyaasha dhaqanka ee ku howlan dhismaha maamulkaan.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in dowladda kaliya ay leedahay fududeynta shirka, balse dhismaha maamulka laga doonayo waxgaradka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

“Dowladu waa fududeeye waa sharciyeeye iyo in ay goob joog ka ahaato dhismaha maamulka, qofkii aan ra’yiga dadka kale tixgelineynin ogaada kiisana lama qaadanayo” Madaxweynaha ayaa sidaasi yiri.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in waxgaradka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe looga baahan yahay in ay xil iska saaraan dhismaha maamulkaan oo uu sheegay in waqti badan la geliyey.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in aanay jirin cid dowladda ka tirsan oo dan gaar ah ka leh dhimasha maamulkaan, balse looga baahan yahay waxgaradka gobolladan in iyagu ay howsha si dardar ah ku wadaan.

Shirka Jowhar ayaa lagu wadey in 3-dii bishan dib u furmo inkastoo dib u dhac ku yimid balse maanta dib loo furay.

Goobjoog News