U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxgarad iyo shacab badan ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Baydhabo kula kulmi doono qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxgarad, iyo sidoo kale madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana wararku ay sheegayaan in waddooyinka qaar ee magaalada Baydhabo ay xiran yihiin.

Safarka madaxweynaha horay looma sii shaacin, hase ahaatee waxa uu kusoo beegmayaa xilli magaalada Baydhabo looga diyaar garoobayo doorashooyinka xildhibaannada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News