U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ka Hadlay Dagaalka Al-shabaab iyo Xaaladda Laascaanood

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Khubad ka jeediyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah sida dowlad dhiska, guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab iyo xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

“ Waxaa meel fiican mareysa dib u xoreynta dalka oo runtii howl culus laga qabtay oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaageen, ma jiro qof Soomaaliyeed oo aan door ku lahayn dib-u-xoreynta dalka, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalkana waa ay ku wada jiraan, kuwo hadda dagaalka si xoog leh uga dhacaya oo gabagabo ayay marayaan, kuwana hadda ay bilow yihiin,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Baydhabo loogu sameeyay Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa markale soo hadal qaaday arrinta Laascaanood iyo dhibaatada ka jirto ee soo gaaray dadka rayid ah ee ka Barakacay magalaada.

“Beryahan waaad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, in badan oo horena waa ka hadalnay waxaasi in ay na gubayaan na dhibayaan aanan raali ka ahayn, kuna faraxsaneyn kuna qanacsaneyn, dadkii dhintay oo Soomaaliyeedna oo qaaliga ahaa inaan ka xunahay oo aan in badan ku baaqnay nabadda,”. ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay xaaladda Magaalada Laascaanood.

Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo muddo labo maalmood ah magaaladaas uga socday madaxda dowladda Dhexe ,Dowlad Gobolleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo laga soo saaray warmurtiyeed ku saabasan wixii dhinacyado ay isku raaceen muddadii uu soday.

Goobjoog News