U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Ka Hadlay Maqaamka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaallka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay maqaamka magaalada Muqdisho, isaga oo khudbad ka jeedinayey munaasabaddii shalay lagu caleemo saarayey madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in maamulka Hirshabelle aanu ahayn kii ugu dambeeyey ee Federaalka islamarkaana ay dhiman yihiin gobollada Waqooyi iyo sidoo kale in la caddeeyo maqaamka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hadda la wado dedaal ah caddeynta maqaamka magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.

“Waxaa la xoojiyey in maamul goboleedka Hirshaebelle yahay midkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, waxaan leeyahay ma ahan, waa midkii Shanaad, laakiin weli waxbaa inoo dhiman, gobollada waqooyi ayaa noo dhiman, magaalada Muqdisho oo maqaamkeeda caddeyno ayaa inoo dhiman, laakiinse maanta meesha aan joogno waa meel lagu farxo laguna faano waaye, caasimad la wada leeyahay, dadka Soomaalida ah meel walbo oo dalka ka deggan yihiin oo middi wax ku lahaayeen ah, maamul goboleedyada iyo maamullada kala  duwan oo dhan mid ay hiigsadaan oo ay u arkaan iney wax ku leeyihiin Muqdisho noocaas ah baan rabnaa, iyadana wey socotaa lagamana seexan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa marar badan dalbadey in la caddeeyo maqaamka magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in siyaasad ahaan loo dulmiyey.

Goobjoog News