U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo Baarlamaanka Kala Hadlay Dhaqaalaha Dalka oo Kor u Kacay, Dhacdadii Daallo iyo Xeerarka ay tahay in La Ansixiyo

Sheeko:Baarlamaanka

Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 3aad ee aan caadiga ahayn ayaa maanta lagu qabtay xarunta baarlamaanka dalka, waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulankan waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Xasan Sheekh Maxamud, madaxweynaha oo xildhibaannada la hadlay waxaa ay khudbadiisa socotay ilaa 1:30 isagoo ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Aminga.

Dhaqaalaha: mar uu ka hadlayey dhaqaalaha waxaa uu soo qaatay in uu jiro dhaqaale koror dalka ah,  nin wax heli jiray inuu wax waayo ayuu ku sheegay in ay sabab u tahay nidaamka dhaqaalaha oo toosay oo aaney jirin wax is daba marin ah, waa sida uu hadalka u dhigaye,

Siyaasadda: dhinaca siyaasadda ayuu ku dheeraaday madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo soo jeediyay in Siyaasadda  la toosiyo oo la iska daayo wax iska sheega, beesha caalamka wax kasta waa nala qaban karaa laakiin siyaasadda ma sixi karaan ayuu intaa raaciyay, isagoo sidoo kale sheegay in loo baahan yahay ogolaashiyo wadareed, dulqaad iyo kalsooni Soomaalida dhexdeeda ah.

Amniga: Amniga Caqabadda ka jira ayuu sheegay in Soomaaliya ay la wadaagto dunida inteeda kale, isagoo ammaanay dadaalka hey’adaha amniga iyo in ay fashiliyeen inta dhacdo wax ka badan oo amni darro ah, madaxweynaha waxaa uu ku taliyay in amniga aan la siyaasadeyn.

Xildhibaanada iyo mas’uulka kasta waa in ay joojiyaan in ay ka daba tagaan dadka la tuhmo oo ay soo qabtaan hey’adaha ammaanka.

Hay’adaha ammaanka waa in la ixtiraamo oo cid walba la baaro, oo cid walbo suunka furto, dadka waxaa ay ku dhaqmayaan wax ay madaxda ka arkaan.

Waxaa uu soo hadal qaaday arrinta Airportiga waxaa uu sheegay in uu baaritaan socdo oo dad loo qabtay, cudur daarna aan loo yeeleyn dadkii shaqadaas ku jiray.

Madaxweynaha dalka waxaa Baarlamaanka  ka codsaday dedejinta sharciyada argigixisada, isgaarsiinta, adeegga garsoorka, maxkamadda dastuuriga, guddiga madaxa bannaan, xuquuqul insaanka iyo dhammaan sharcida kale.