U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu maanta ku wajahan yahay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariyaha Goobjoog ee magaaladaasi Mascuud C/laahi ayaa soo sheegaya in  ammaanka guud ee Kismaayo aad loo adkeeyey, islamarkaana la filayo wafdiga uu madaxweynaha hoggaaminayo in goor dhow halkaasi ay gaaraan.

Waxaa xiran qaar kamid ah waddooyinka magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi lagu soo daadiyey ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo amniga sugaya.

Weli lama shaacin ulajeedka madaxweynaha Xasan Sheekh u tagayo Kismaayo, balse magaaladaasi waxaa kusii sugan musharraxiin u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, C/raxmaan C/shakuuur iyo sidoo kale Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Waxaa sidoo  kale xusid mudan in magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah xildhibaannada la doortey ee aqalka hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala scoo wararkeena kale

Goobjoog News