U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu xafiiskiisa kula kulmay madaxda maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xubnaha uu madaxweynaha la kulmay ayaa kala ah Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Jeneraal Liibaan Cali Yarow.

Waxa uu madaxweynaha mas’uuliyiintan ku bogaadiyey shaqada ay hayaan, iyo dedaalladii ay muujiyeen sanadihii lasoo dhaagey oo maxkamaddu qabatey howlo badan.

“Saraakiil dhallinyaro ah oo si daacadnimo ay ku jirto ugu qidmeeyay shacabkooda ayaa tihiin waana tan aad ku muteysateen ammaanta iyo bogaadinta ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana idinku guubaabinayaa in aydaan cidna uga hibeysanina shaqada garsoorka ee aad qaranka wakiilka uga tihiin, taas ayaana alle idinkula xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu Dambeyn mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu si wanaagsan ula shaqeeyey maxkamadda, islamarkaana aysan arag wax farogelin ah oo dhankaxafiiska madaxweynaha uga timid.

Goobjoog News