U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Maanta Ku Wajahan Dalka Tanzania, Waa Maxay Sababta?

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu  amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 1999-kii, iyadoo, iyadoo  oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka, ururkaan ayaa waxaa xaruntiisu ay tahay magaalada Aruusha ee dalka Tanzania.
Wadamada Burund, Kenya,Congo, Uganda, Ruwanda, Tanzania South Sudan ayaa ku midaysan daladaan oo la aasaasay 30-kii November sanadkii 1999-kii, xilligaas oo Soomaaliya aysan laheyn dowlad xoogan, madaxweyne xasan ayaa wada qorshe uu Soomaaliya ugu darayo ururkaan si ay suuq uga hesho.
Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya, kaas oo ganacsatada Soomaaliyeed u fududeyn kara gaarintaanka dalalkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxaana talada dalka hayay madaxweyne Xasan, Soomaaliya oo laga aqbalo kamid noqoshada dalladaan ayaa waxaa ay u aragtaa fursad dhaqaale oo Soomaaliya wax ku geyn karto suuqyada dalalka ku midaysan.

Goobjoog News