U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Safar Gobolka ah Uga Bilowday Kenya, Ogow Sababta

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safar maanta ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay uu uga bilowday safar uu marayo wadamada gobolka, waxaana lagu soo dhoweeyay isaga iyo wafdigiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo  qeyb ka ahaa mas’uuliyiin kale duwan.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta, iyadoo labada dhinac ay kawada hadli doonaan xoojinta  xiriirka u dhaxeeya labada dal, kaas oo muddooyinkii dambe aan wanaagsaneyn iyo arrimo la xiriira fasixitaanka Qaadka oo istaagay kadib khilaafkii labada dowladood

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, kadib safarkii madaxweynaha uu Kenya ku tagay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoos u dhigay saameyntii dowladdiisa ee shirkii urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi, xilligaas oo Xasan Shiikh uu ku maqnaa dalka dibaddiisa gaar ahaan Turkiga, iyadoo shirka xitaa uusan tagin ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka, waxaana badelkeeda tagay ra’iisulwasaare ku xigeenkii hore Mahadi Guuleed.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa safarkiisa Kenya kadib inuu gaaro wadamada Ethiopia iyo Masar, waxaana safaradu ku qotomaan xoojinta dowladda Soomalaiya iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada gobolka,  Xasan Shiikh ayaa horay u balan qaday inuu Soomaaliya ka ilaaliyo in ay yeelato cadow dibadda ah iyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

May be an image of 8 people, people standing and suit

May be an image of 7 people and people standing

May be an image of 6 people, people standing and road

May be an image of 7 people, people standing and suit

Goobjoog News