U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Si Adag Ugu Hadlay Dad Lagu Dilay Duleedka Baladweyne

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay dhacdadii ka dhacday gobolka Hiiraan, taas oo Al-Shabaab ay ku dileen ku dhowaad 20 ruux oo ku siijeeday degmada Maxaas, iyaga oo sidoo kale gubay gawaari siday raashin oo ka baxay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka oo gaaraya ilaa 7 gaadiid ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo  Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah sida lagu sheegay qoraal lagu daabay madaxtooyada qaranka Villa Soomaaliya.
“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada ay wadaan Ciidamadeenna gxoogga dalka Soomaaliyeed  ah iyo Shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo gobolka Galgaduud ee Galmudug  oo ay ka wadaan  howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyagoo dhowaan gubay Ceelal iyo Barkado ku yaalla deeganno hoos taga degmada Baxdo ee Galgaduud.
Hadalka ka soo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kusoo aadaya, xilli gobolka  lagu dilay dadka shacabka ah ee la socday gawaari siday shaashin ku siijeeday degmada Maxaas,ciidamada xoogga ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan gobolka Hiiraan, iyaga oo la wareegay deegaanno dhowr ah,kuwaas oo hoostaga  Matabaan iyo  degmada Maxaas.
Goobjoog News