U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Soo Xiray Shirkii Tacliinta Sare

Sheeko:Dalka

Maxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey xaflada lagu soo xirayey shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheraad ah ay siin doonta tacliinta sare ee dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlayey waxbarsahadda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxalado adag oo soo maray lana jogo waqti loo dhaqaaqi karo horumarin iyo wax-wadaqabsi.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marina tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka iyo dowladda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayeey ka cayaari kartaa dhisidda awoodda dadweynaha iyo dalkuba, waana in loo istaagi sidii aan u dhisi lahayn siyaasad mideysan oo ka turjumeysa tacliinta.

“Waan ka baxney wixii na lagu tilmaami jiray ee ahaa inaan nahay dal fashilmey, waxaana la isku raacay inaan nahay dal soo kabanaya, waana midda muujineysa in uu horumar jiro, ammaantaasi iskama imaan, waa hawl ay Soomaali qabatey oo dhiirigelinteeda leh, isla markaana muujineysa inaan si buuxda uga soo kaban karno dhibaatooyinkii aan ka dhaxalnay dagaalkii sokeeye, kuna noqon karno dal caalamka intiisa kale kula tartama horumarka” ayuu intaa raaciyey madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxa dalka uu ka hagaagi la’yahay waa siyaasad, gaar ahaan midda qabaa’ilka ah, in aan dadkeennu fahamsiinaa dowladnimada dhabta ah waqti badan ayeey u baahan tahay wadadeeduna waan ku taaganahay hadda, Soomaaliya wax walba siyaasad ayaa lagu saleeyey, laakiin waxaan hubaa inaan ka heshiin doonno, waana sida Kaliyah ee lagu xalin karo arrintaas, dib u heshiisiin dhab ah ayaa asalka u ah xasilooni siyaasadeed” ayuiu yiri madaxweynaha.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, ayaa magaca Jaamacadda Ummadda madaxweyne Xasan Sheekh ku guddoonsiiyey Haddiyad, shirka inta uu socdeyna waxaa ka soo qeyb-galay jaamacado waa weyn oo ku yaalla wadamada Africa.

—–DHAMMAAD ——