U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Xeer Madaxweyne Ku Meel Mariyey Heshiiskii Madasha

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, isaga oo xeer madaxweyne ku meel maraaiyey heshiiskii madasha ee doorashada 2016.

Waxa uu sheegay madaxweynaha kadib markii uu eegay danaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, markii uu eegay hannaanka doorasho ee loo socdo iyo sidoo kale in aanu dib u dhac imaan uu meel marinayo heshiiskaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay u cadaadat baarlamaanka inay ku adagtay in go’aan wadar ogol ah uu arrinkaasi ka gaaro.

“Waxaan soo saaray xeer lagu meel marinayo heshiiskii madasha hoggan qaran ku gaareen dhaqan gelinta doorashooyinka dadban ee 2016” ayuu yiri madaxweynaha.

Goor dhaw waxaan idiin soo gudbin donnaa xeerka uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjoog News