U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Sax Ma Ahan In Qof Doonaya Inuu Qabto Xilka Ugu Sareeya Dalka Inuu Jagadaasi Ku Raadiyo Aflagaado”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo in dhowaan dalka ay ka dhacaan, isaga oo sheegay in caalamka uu eegayo biseyl siyaasadeedka la gaaray Soomaaliy.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho.

“Doorashooyin taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay xaqiijinta inay doorashooyinkaasi qabsoomaan”

“Doorashooyinkan waa tijaabo ama halbeeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylkeena siyaasadeed iyo horumarka aan ka gaarney dib u soo kabashada, colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna guuleystey”

“Doorashadu sideedaba waa loolan loogu tartamayo in Soomaaliya meesha ay taagan tahay horay loogu sii dhaqaajiyo. Musharax kasta oo xil u tartamayaa waa inuu maskaxda ku hayaa in hawsha sugaysaa ay tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo inuu wax ka qabto baahiyaha kala duwan ee ay qabaan”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sax ma ahan in qof doonaya inuu qabto xilka ugu sareeya dalka inuu jagadaasi ku raadiyo cay ama aflagaado uu u geysto dowladnimada. Dowladnimada aan maanta haysano waxan u soo marney halgan dheer iyo dadaal badan, mana qurxoona in hadaladii ay cadowga ku hadli lahaayeen inay ka soo yeeraan dad Soomaaliyeed”

Sanadkaan 2016 waxaa dalka ka dhici doona doorasho dadban, waxaana xilka madaxweynaha isku soo taagey musharraxiin dhowr ah.