U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Aniga iyo Ra’iisul wasaaraha shaqsi iskuma haysano, saaxiib ayeynu nahay” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si toos ah u faah faahiyay khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isaga oo sheegay in xilligaan khilaafkooda aanu ku qotomin mid shaqsiyadeed.

Waxa uu sheegay in khilaafkaan uu la xiriiro dhanka shaqada, islamarkaana shaqsi ahaan Labadooda ay yihiin dad saaxiib ah, xilli walbana ay wada sheekeestaan, misane ay wada kulmaan, waa sida uu Madaxweynaha hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in markii ay si hoose u xalin waayeen wax walba oo taagan uu baarlamaanka faraha soo geliyay, si loo gaaro xal waara oo kama dambeys ah.

“Khilaafka sida loo dhibaago aniga uma arko, Ra’iisul wasaaraha iyo aniga shaqsi iskuma haysano, saaxibo ayaan naha, maalin walba waan is aragnaa, xiriirkeena shaqsi ma ahan waxaan isku haysano, laakiinse waa midka shaqo, muddo badan ayaan isku dayey inaan daaweyo, laakiin markii dambe baarlamaanka ayaa na arkay inaan daaweyn la nahay waxayna, iyagii ayaa taladoodii iyo waajibkii ay lahaayeen keenay, waayo baarlamaanka waxaa laga rabaa in ay xaqiijiyaan xukuumadii talada ay u dhiibeeyn shaqada ay hayso, hadii xukuumada aysan shaqadii haynin, baarlamaanka waxaa xaq loga leeyahay inay go’aan qaataan, waxa aan rabno waa in maamul wanaagsan Soomaaliya inay gaarto, aan u ogolaano hay’aduhu inay shaqeeyaan, waxa jiraa shaqsi wey ka weyn tahay, waxaan u baahannahay in baarlamaanka loo ogolaado in uu shaqadiisa qabsado, waajibka baarlamaanka saaran waa in uu hubiyo shaqeynta xukuumada jirta, hadii aysan shaqeyneyn baarlamaanka ayaa laga rabaa mid shaqeyneysa in uu keensado” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay shirkii kusoo dhamaaday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark iyo sidoo kale natiijooyinka kasoo baxay.

Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kaa oo saameyn ku yeeshay golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News