U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Arrin 30 Sano Taagneyd Maalin Laguma Xalin Karo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee dalka isaga madaxda hadda joogta ku dhaliilay qaabka ay u doonayaan in ay u wajahaan xaaladda Somalailand.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay tahay wax aan sahlaneyn in arrin soo taagneyd 30 sano in lagu xaliyo waqti gaaban, isaga oo dhaliil arrinkaas ku aadan jeediyey.

“Somaliland arrinteeda waxaa ay soo taagneyd 30 sano, arrin 30 sano taalay ma sahlana in maalin lagu soo kobo oo lagu soo dhammeeyo, dadkii waxaas ay ka dhaxeeyeen oo 30- kaas sano wixii dhacay isga imaan waayey oo xalin waayeen, aniga oo nin kale diyaaraddiisa saran ayaan xalinaa ma’ ahan xaajo suurto galeyso magaranayo cidda madaxdaxweynaha kula talisay arruntaas” ayuu yiri.

Sidoo kale madaxweyne Xasan oo hadalkiisa siiwato ayaa aad u dhaliilay la taliyayaasha madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu sheegay in iyagu hurinayaan sii fogaanshiyaha qadiyadds Somaliland.

“Sida halkaan laga sheegay nimanka la taliyayaasha oo ah niman afkaartooda ay bannaanka taallo kuwaas oo leh Khaainiin ayey aheeyn dalka ayey kala gooyeen in la ciqaabo oo maxkamad la saaro iyo mid yiraahdo maalintaas waxaas ay dhacayen sax ayey aheyd, dadkaas waa dadka madaxweynaha hareeraha ka fadhiyo oo la taliyo|” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankale Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday in dowladdii Kacaanka ay dalka oo dhan dhibaateysay lakiin waxaa uu xusay in ugu darnaayeen gobalada waqooyi oo u baahan in si gooni ah loola macaamilo. Waxaana uu yiri.

“Dowladdaas in badan ayaa la sheegay dalka oo dhan dhibaato ayey u geysatay, dadkaas Soomaaliyeed ee gobaladaas degan ma ‘aheyn labo qabiil oo is dagaashay, waxaa ay aheyd dowlad dalkeedii qeyb ka mid ah ku duushay meel aan meeshaas aheyn oo diyaarado lagu duqeeyey majirto”

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa soo hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey in arrinta Somaliland loo bahan yahay si xal waaro loo gaaro in walaalnimo loo muujiyo, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yanay in la daaweeyo dadkii ay wax gaareen.

“Wixii dhacay waa la cafin karaa oo go’aan ayaa lagu gaari karaa, wixii dhacay wax ka fiican waa inuu arkaa qofkii oo taariikhdaas madoow inta uu iska gooyo midaan cusub oo hadda socoto uu la jaan qaado, waxaan leeyahay garowshihii Madaxweynuhu uu dhiibay waa bilow fiican ma dhameystirneyn waxa uu gadaal uaga darayna ma fiicneyn, dadkaas hal hadal oo meel laga sheegay kuma daawoobayaan ” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeye.