U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Bankiga Dhexe Waxa Ka Dhacay Ma Ahan Musuq Ee Waa Xatooyo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay arrinta ku aadan lacagtii dhawaan laga xaday Bankiga dhexe ee Soomaaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in ay jiraan dad loo qabtay arrintaasi islamarkaana qaarkood la xiray, su’aalana laga weydiinayo arrimahaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii ka dhacay Bankiga aan la oran karin waa musuq balse ay tahay xatooyo loo geystay qasnaddii Bankiga.

“Baankiga dabcan dadka loo shaqaaleynayo baaritaan badan iyo amnigooda waa la hubiyaa, laakiinse Bankiga waxa ka dhacay Musuq ma ahan ee waa xatooyo, waxaan u maleynaa in Musqa iyo Xatooyada Labo kala yihiin oo aaanay isku darsaneyn, Bankiga dhexe ee Soomaaliya xatooyo ayaa ka dhacday dadkii qasnadda ka shaqeynayey dad ka mid ah ayaa lacagtii ku bedalay mid been abuur ah, Doolar bay la baxeen mid False ah ayeey ku bedaleen, Booliiska, Nabad sugidda iyo xeer ilaalinta ayaa baaraya, dad Mas’uuliyiin oo Bankiga ah ayaa su’aallo laga weydiinayaa, qaarkood waa la xiray, Dambi dhacay waaye, waana la daba socdaa, dadka dabigaasi lagu tuhunsayahya qaarkood wey maqan yihiin waana la daba joogaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Bankiga dhexe waxaa dhowaan laga xaday lacag ka badan Nus Milyan Doolar, iyadoo lagu bedalay lacag been abuur ah.

Goobjoog News