U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Ciidda Awgeed Hala Isku Cafiyo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda ciidul Fidriga, oo maalinteeda Koowaad maanta loo dabaal degayo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is gacan qabtaan, islamarkaana laga farxiyo dadka danta yar ee aan waxba haysan.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweynaha in fursad qaali ah ay tahay ciidda awgeed in laga farxiyo cid walba oo aan waxba haysan, iyo hadii ay ahaan lahaayeen u gargaaridda dadka aan waxba haysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, islamarkaana calooshooda isku furaan.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ku baaqay in maalintaan qiimaha badan awgeed laga heshiiyo wax walba oo la’isku qabo, iyadoo heshiisiinta laga soo bilaabo qoyska, xaafadda, degmada Gobalka iyo guud ahaan dalka.

Maanta waxaa loo dabaal degayaa maalinta 1-aad ee munaasabadda Ciidul Fidriga, iyadoo guud ahaan dalka laga dareemayo farxadda maalintaan.

Goobjoog News