U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dalka Wuu Ka Gudbay Xilligii Dadka La Cabsiinayey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay xoogga saarayso horumarinta ciyaaraha dalka si meesha ay uga baxaan colaadaha ragaadiyay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadalkani ka sheegay kulan xalay lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar kaas oo lagu soo gabagabeynayey tartankii maamul gobaleedyada dalka ee ciyaaraha, isaga oo sheegay in laga gudbay cabsi gelinta shacabka lagu haayey.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in is dhexgalka bulshada ay tahay muhiim in dadka Soomaaliyeed oo colaado ku jiray ay helaan fursado ay isku arkaan.

Waxa uu bogaadiyay madaxweynaha ciyaaraha goballada oo dhowaan lagu soo gebagebeeyay magaaladan Muqdisho tartankaasi oo ay ku guuleysatay kooxdii ka socotay maamulka Puntland

“Dadka Soomaaliyeed waxay muujiyeen xilligan inay soo dhammaatay xilligii la cabsi gelin jiray, xilligii argagaxa la gelin jiray, ciyaaraha waxay u dhaceen si nabad ah, iyadoo argagaxisadu ay doonayeen in amniga magaalada qalqal geliyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu ka gudbay dib u laabashadaa, islamarkaana ciyaarihii dhacay ay direen fariin nabadeed.

Magaalada Muqdisho waxaa maalin kahor lagu soo gabagabeeyay ciyaaraha maamul goboleedyada, oo koobkii ay qaadday kooxda ku ciyaareysay magaca Puntland.

Goobjoog News