U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dalkan Shaqo Kama Socoto..ee Waa Edeb Darro, Dulmi iyo Been

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha  Xisbiga UPD , xubinna ka ah madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka ah ku mashquulaan, shaqana ka dhigtaan  cidda garoonka ka baxeysa ama ka soo dageysa.

Mudane Xasan Sheekh oo arrintan ka hadalaya waxaa uu yiri “Nasiib darro 7-badii subaxnimo , 11-kii iyo jarjar ayaan ka baxnay, dowladda federaalka ah mas’uuliyidda ugu sareysa hoggaanka dalka, mas’uuliyadda lama wadaago, madaxweynaha ayaa dalka mas’uul ka ah, xukuumadda ra’isul wasaaraha ayaa mas’uul ka aha, labadoodu iney shaqo ka dhigtaan hebel diyaar ha raaco, hebel uu raacin, hebel diyaaradiisa dib haloo dhigo, dalkan waxaa uu leeyahay hey’ad duulis oo mas’uul ka ah, ninkii madaxda ahaa intan u yeernay ayaan ku niri “ Hey’adda duulista iyada ayaa garoomada, hawada mas’uul ka ahe, amarkaaga miyey diyaaradda ku joogtaa? “ Maya ayuu dhahay, aniga amarkeyga kuma joogto”, wixii ka soo hara marka wixii ay ku joogto waad garan kartaa, madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha isku tagaan, hal xafiis isla fariistaan, maanta oo dhan telefoono ku jiraan  hebelow adiga xagga ka riix, oo wiilasha shaqaalaha ay ciriiri geliyaan, oo ay dhibaan, innaga Baladweyne inta aanan tagin, diyaarad midda aan wadanay 4 jeer ka miisaan weyn ayaa ka degtay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu tilmaamay in garoonka Baladweyn aaney biyo ku jirin  isaga oo edeb darro ugu yeeray waxa lagu sameeyey”Garoonka diyaaradaha Baladweyn, meel yar oo biyo ugu jiraan iska daaye, boorka ka kacayey xisaab ma leh, edeb darro iyo dulmi iyo been sheeg ayey aheyd garoonkaa saan iyo inta ayaan saan ah, marka dowlad hoggaankeeda waxaas ku mashquulsan yahay, goorma ayey kacee oo wax qabsanee?

Ugu dambeyntii, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in dalka aaney wax shaqo ah ka soco isaga oo yiri “Dalka meesha uu taagan yahay waa meeshaas, shaqo ma jirto, dowladnimo lagama shaqeeyo”.

Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii.

Goobjoog News