U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dhibaatada Dhaqaale Ee Dalka Haysata Waxaa Ugu Wacan Doolarka iyo EVC”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ka hadlay culeysyada dhaqaale ee dalka ka jirta, taasi oo horseeday in dad badan ay ka cawdaan nolol xumo.

“Soomaaliya waxa ay maanta dakhli ahaan soo saartaa waa ka badanyihiin wixii hore sida ku cad warbixinada hay’adaha lacagaha adduunka iyo kuwa gudahaba, hadane sidaasi oo ay tahay suuqyada waxaa ka jira ciriiri” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in dalal badan oo adduunka ka mid ah miisaaniyadooda la kabo kala bar , balse Soomaaliya aysan helin wax kab ah, marka laga tago qeybo yar oo ka mid ah shaqaalaha dowladda “Waxaan idiin sheegayaa dowladani waxa ay ku jirtaa inta yar ee aad bixisaan” ayuu yiri madaxweynaha oo kab la’aanta sabab oga dhigey dhaqaale xumo adduunka ka jirta.

Sababaha kale ayuu ku sheegay xanibaadaha lagu sameeyey xawaaladaha Soomaalida kuwaasi oo sahli jirey in dadka dibadda wax looga soo diro.

“Caqabadaha kale waxaa ka mid ah shilin Soomaali la’aanta, isticmaalka doolarka iyo EVC-da” ayuu yiri madaxweynaha oo intaasi ku daray in dowladda ay awoodi la’dahay in ay soo daabacato shilin Soomaali qarash la’aan darteed.

“Miisaaniyadda aan heysano kama go’ayso 40 milyan ee doolar ee shilin Soomaali lagu soo daabici lahaa” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo dadweynaha faray in ay isku tiirsanaan sameeyaan.

Wuxuu dadka ku booriyey in ay canshuuraha bixiyaan, xitaa dadka ku nool gobolada dalka, balse waxa uu u cudur daaray maamulada gobolada ka jira oo uu sheegey in dhaqaale xumo ba’an ay heysato.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawr bilood aysan mushaarkii qaadanin shaqaalaha dowladda, dadka Soomaaliyeedna ay ka cabanayaan nolol xumo kadib dhaqaale xumo ka dhacday suuqyada.

Goobjoog News