U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Hal Mitir Oo Ka Mid Ah Baddeena Kama Tanaasuleyno”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban uga hadlay dacawd badeedda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya taas oo maanta ka furmeysa magaalada Huge ee dalka Holland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marnaba aan laga tanaasuli doonin xitaa 1 Mitiri oo ka mid ah biyaha Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dacwaddan loo maray qaab sharci ah.

“Maanta waxaa billaabanaya dacwadii u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ee badda, Sharaciyaqaannada Soomaaliyeed maxkamadda ayeey tagayaan, dabcan kuwa Kenya iyaguna wey imaan doonaan, muhiimadda dacwadda badda waxay tahay biyaha Soomaaliya ay leedahay in Hal mitir oo ka mid ah aan laga tanaasulin, markii aan walaalaheena Kenya wada hadalnay, ,islamarkaana isla keeni weynay wada hadalka mushkiladda in lagu xalliyo si qaanuuni ah, ilbaxnimo ah oo qawaaniinta caalamiga ah loo dugsanayo ayeey noqotay, aad baan kalsooni badan ugu qabnaa inaan saxannahay oo waxa aan ku doodeyno yahay xaqqa aan umad ahaan u leenahay, ma aaminsanin in cid kale ku xaddgudbeyno, laakiin hadane xaqqaas aan leenahay annaga oo shacabka Soomaaliyeed mataleyna diyaar uma nihin inaan ka tanaasulno Hal mitir oo biyaheena kamid ah, waxaana rabnaa inaan kusoo dhacsanno sida qawaaniinta caalamiga ah” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana waxa hadda jira aanay mad madow soo kala dhex dhigeyn Labada dowladood iyo shacabkooda intaba.

“Sideenna kale annaga iyo Kenya Labo dal oo dersi ah, saaxiibo ah, walaalo ah oo xiriirkooda wanaagsan yahay baan nahay, xumaan nagama dhaxeyso, dabcan iyaguna waa laga yaabaa in intaasi oo kale aaminsan yihiin, laakiinse annagu biyahaasi inaan innaga leenahay, baddaasi tahay mid Soomaaliyeed oo aan difaaci doonno, dowladdana waxaa ka go’an in baddaasi kusoo noqoto gacanteena waligeedna ahaato bad Soomaaaliyeed, waana ku kalsoonnahay inaan leenahay badda maanta dacwadeeda ka billaaban doonto ICJ” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa kusoo gebogebeeyay.

Maanta oo Isniin ah, maxkamadda ICJ waxay billaabeysaa dhageysiga dacwadda muranka badda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa sheegatay iney leedahay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay ICJ u gudbisay dacwad arrintaasi ku saabsan.

Goobjoog News