U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Dalka Jabuuti Oo Ku Wajahan Baladweyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku wajahan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Socdaalka madaxweynayaashan ayaa lagu sheegay ka qeyb galka munaasabad lagu kala bedalayo ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Ammaanka magaalada Baladweyne ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu soo warramayaa in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay xaqiijinayaan amniga guud ee magaaladaasi.

Saacadaha soo socda ayay Labada madaxweyne tagi doonaan magaaladaasi iyagoo kaga qeyb galaya xafladdaasi oo lagu soo dhoweynayo ciidanka cusub ee Jabuuti ka socda kuwaasi oo bedalaya ciidankii Jabuuti ay u soo dirtay Soomaaliya  bishii Septembar 22-dii sanadkii 2012 ciidankaasi oo ku sugan gobalka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Wadooyinka magaalada Baladweyne ayaa ah kuwo xiran, iyadoo shacabka iyo gaadiidkaba loo diidayo halkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News