U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Hogaamiyeyaasha Galmudug Iyo Koonfur Galbeed Oo Ka Qeybgalaya Caleema Saarka Axmed Madoobe

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka baxay diyaarado gaar ah oo ay la socdaan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, hogaamiyaha Galmudug State Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyaga oo ku wajahan magaalada Kismaayo.

Wasiiro iyo xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubnahaan safarkooda ku wehlinaya, waxaana ay ka qeybgalayaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Garoonka Kisamaayo waxaa haatan kusii diyaarsan madaxda Jubbaland oo soo dhaweyn doona xubnahaan Muqdisho ka amba baxay.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta sii gaaray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Tedros Adhonom, wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, safiirka Turkiga ee Soomaaliya Bekar Olgan, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, xildhibaan Yuusuf Xaaji, iyo xildhibaan Aadan Barre Shiil oo Kenya ka socday.

Shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay la socdeen, Xildhibaanno, wasiiro iyo Odayaal dhaqameed Puntland ah.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan jawiga magaalada Kismaayo yahay mid ka duwan kii hore.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News