U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ra’iisul Wasaaraha India Oo Ku Kulmay New Delhi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New Delhi kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda India Narendra Modi.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, iyo in la bilaabo iskaashi dhinacyo badan oo labada dhinac ay ka faa’ideysan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mr Modi u sheegay in Soomaaliya ay ka baxdey xilligii colaadda , diyaarna ay u tahay soo dhoweynta maalgashiga shisheeye, sida India, isagoo intaa ku raaciyey in tallaabadaasi ay gacan ka geysan karto dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Modi ayaa isna ballanqaadey inay Soomaaliya ka taageeri doonaan arrimaha waxbarashada, iskaashi dhinaca amniga, la dagaalanka argagixisada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka 3-aad ee waddamada Afrika iyo India, waxaana uu maanta shirkaasi ka jeediyay khudbad.

–DHAMMAAD—