U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka kooban Labada gole ee dowladda ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabellaha Dhexe, Odayaal dhaqameed iyo shacab badan ayaa madaxweynaha kusoo dhoweeyay magaalada Jowhar.

Amniga guud ee degmada Jowhar ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana xiran qaar ka mid ah waddooyinka degmadaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jowhar u tagey si Odayaasha ku shirka magaaladaasi ee ku howlan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe loogu bogaadiyo howsha ay hayaan.

Warkaan wixii  kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News