U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka wadahadley xaaladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Madaxweynaha iyo Mr Ban ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, xuquuqda aadanaha iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey, waxaana horumarkaasi la gaarey gacan weyn ka geystey Qaramada Midoobay. Waxaan ku faraxsanahay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka Soomaaliya garab istaageen xilli xasaasi ah oo taageeradooda loo baahnaa. Dhowaan waxaan ku guuleysaney inaan la imaanno qaab doorasho oo aan u qaadaney doorashada waddankeena ka dhacaysa sannadkan. Waan rajeynayaa in Qaramada Midoobay ay sii waddo wadashaqeynta iyo iskaashiga ay inala leedahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki-moon, ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira oo uu yiri waxaa sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya. Waxaa uu sheegay in dimoqraadiyadda Soomaaliya ay kobceyso, isagoo kula dardaarmey Soomaalida in dumarka laga siiyo talada dalka qeybta ay xaqa u leeyihiin sida uu dhigayo dastuurka.

Waxaa uu Xoghayaha Guud sheegay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira dhowrista xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah aadminimada.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka wadahadley qaabka loo tayeyn karo hawlgalada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, hawlgaladaas oo muhiim ah ciribtirka haraaga kooxaha argagixisada ee nabad-diidka ah.