U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jigjiga kula kulmay qeybaha bulshada iyo ardeyda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli ku guda jira booqashadii uu ku joogay magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa  xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi kula hadley odayaasha dhaqanka, hawlwadeenada iyo shaqaalaha rayidka ee degaanka.

Madaxweynaha oo munaasabaddan uu ku wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda degaanka, isagoo intaa ku darey inuu aaminsan yahoo in guulaha la gaarey ay sabab u tahay wadashaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay horumarka gobolka Geeska Afrika uu ku xiran yahay hadba sida looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo.

“Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka sameysay dhinaca amniga. Waxaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Ethiopia ay ka mid tahay ayaana gacan weyn naga siiyay inaan xasiloonida dalka ka shaqeyno. Waxaa labada dal ka go’an inay burburiyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taageeraan halganka aan ugu jirno inaan gobolkan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kale’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shucuubta labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yahay in la dedejiyo barnaamijyada suuragelinaya iskaashi dhaqaale oo dadyowga gobolka oo dhan ay ka faa’iideysan karaan.

Odayaasha dhaqanka oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa ku ammaanaye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha booqday Jaamacadda magaalada Jigjiga oo ay dhigtaan arday tiradoodu gaareyso 21,000 oo qof. Jaamacaddan ayaa sidoo kale leh kulliyad takhasus Afka-Soomaaliga ah.

Goobaha kale ee uu Madaxweynaha maanta booqday waxaa ka mid ah goobaha ganacsiga , iyo isagoo socod ku marey qeybo ka mid ah magaalada Jigjiga.

———————DHAMMAAD—————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya