U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Ra’iisul Wasaaraha Cusub Looga Fadhiyo Dhismaha Xukuumad Tayo Leh

Sheeko:Dalka

DSC_1002Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo ku aadan dalka iyo sidoo kale codka kalsoonida ah ee la siiyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu ugu horeen madaxweynaha u mahad celiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo si aqlabiyad leh codka kalsoonida ku siiyay Ra’iisul wasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa u sheegay in Ra’iisul wasaaraha laga filayo qabashada shaqooyin badan islamarkaana ay ku garab taagan yihiin.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh iyo Wasiiradiisa ay qabteen shaqooyin muhiim ah, isaga tilmaamay in daruufo adag ay kusoo shaqeeyeen.

Khudbadda madaxweynaha oo aad u dheereed ayaa dhanka kale soo hadal qaaday arimaha ku aadan kala aragti duwanaanshiyaha, isaga oo tilmaamay in aragtida lagu kala duwanaan karo, balse aanay saameyn shaqada.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayuu sheegay in xukuumada uu soo dhisi doono laga sugayo in dalka ay gaarsiiso hiigsiga 2016, sidaa darteed looga baahan yahay in Ra’iisul wasaaraha shaqadaan dhabarka u xirto.

Halkaan Hoose ka dhageyso Khudbadda madaxweynaha.

Goobjoog News