U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo agaasime cusub u magacaabay Villa Soomaaliya

Sheeko:War

0441War naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu xilka ka qaaday agaasimihii hore ee madaxtooyada Thaabit Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cali Cumar (Cali Balcad) agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaana lagu wadaa in warbaahinta dowladda laga shaaciyo magacaabidiisa. Wararka ayaa intaas ku daraya in isbedelka lagu sameeyay agaasimaha mdaxtooyada aysan intaa oo kaliya ku ekaan doonin.
Tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadeysa xilli xalay ay xarakada Al-shabaab weerar qorsheysan ka geysteen Villa Soomaaliya, inkastoo gacanta lagu haayo mid ka mid ah raggii weerarkaasi fuliyay.

Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa ah aqoonyahan Soomaaliyeed waxna ku soo bartay dalka Mareykanka.

Wararka Goobjoog news

Xarakada Al-shabaab oo war ka soo saartay weerarkii xalay lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya
Published on Wednesday, 09 July 2014 07:15
Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weerarkii xalay lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo sababay dhimashada afar qof.

Afhayeenka xarakada Al-shabaab ee dhanka howlgallada Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa mar uu ka hadlayay weerarkii madaxtooyada Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka gun gaareen hadafkii ay ka lahaayeen weerarkooda.

Waxa uu tilmaamay isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP in madaxweynaha uu u cararay xarunta Xalane oo ah fariisinka ugu weyn ee ciidamada nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

“Ciidamadeennu waxay qabsadeen dhismayaal muhiim ah oo ay dowladda ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira in la beegsaday guriga Ra’iisal wasaaraha” sidaas waxaa sheegay Abuu Muscab.

Waxaa kaloo Afhayeenka xarakada Al-shabaab uu sheegay inay xoojin doonaan weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho gaar ahaan xumaraha madaxtooyada isagoo ku nuux-nuuxsaday inaysan jirin cid ka hortaagan.

Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ay toogasho ku dileen raggii shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya inuu ka cararay madaxtooyada oo uu gurigiisa ku sugan yahay.

Wararka Goobjoog news