U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baaq u Diray Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa Umadda Soomaaliyeed waxa uu diray hanbalyada Ciidul fidriga, waxa uuna u rajeeyay in sanadka sanadkiisa ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo waxa uuna fariin u diray madaxda dowladda federalka iyo dowled-gobaledyada.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan waxaa uu baaq u diray dowladda federaalka isaga oo sheegay in loo baahanyahay iney dadka isku wadaan.

Mudane Xasan oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yri “waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu baaqo madaxda dowladda dhexe ayaga ayaa laga rabaa in ay dadka is ku wadaan, ayaga ayaa laga rabaa in ay gacanta fidiyaan, ayaga ayaa laga rabaa kii caroodo in ay daba kacaan kii aan soconeyn maba soconayee kii sonaya in ay socod siiyaan, ayaga ayaa laga rabaa in ay noqdaan Ratigii Hayinka ahaa aan marna dideynin”.

Goobjoog News