U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Baladweyne u Tagay Xallinta Cabasho Ay Qabaan Odayaasha Dhaqanka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha waxaa la socda xilidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed sida uu soo sheegayo Wariyaheena Khaalid Ilka Case.

Garoonka magaalada Baladweyne waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa mas’uuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan iyo Odayaal dhaqameed.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in ulajeedka uu madaxweyne Xasan Sheekh halkaasi u tagay ay ka mid tahay sidii loo xallin lahaa cabashada ay qabaan Odayaasha dhaqanka Hiiraan taasi oo ku aadan maamul u sameynta gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News