U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalka Turkiga Kula Kulmay Arday Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay ardayda Soomaalida ee wax ka barta magaalada Bursa ee waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

Waxaa uu Madaxweynaha ardaydaasi ka xog wareystey xaaladooda nololeed iyo tan waxbarasho, isagoo ku boorriyay inay xoogga saaraan barashada xirfadaha kala duwan ee muhiimka ah.

“Waxaad halkan ku joogtaan magaca Soomaaliya. Waxaad wax u baraneysaan waa waddankiina. Marka aad waxbarashada dhammeysataan dalkiina ayaa idin baahan. Dalkeena waxaa uu leeyahay sidaad ogtihiinba kheyraad badan, waana lagama maarmaan inaad barataan culuunta noocyadeeda kala duwan, si aan kkheyraadkaasi uga faa’iideysano’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ardeyda Soomaalida ee wax ka barata magaalada Bursa ayaa qaarkood ku jira waxbarashada dugsiga sare, iyagoo rajeynaya inay sannadkan dhammeystaan.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Uludag ee magaalada Bursa, ayaa booqashada Madaxweynaha ee magaalada iyo xarunta Jaamacadda awgeed waxay ku dhawaaqeen inay deeq waxbarasho oo jaamacadeed siinayaan ardeyda Soomaalida ee waxbarashada dugsiga sare sannadkan ku dhammeysanaya magaalada.

Jaamacadda Uludag waxaa wax ka barta in ka badan 62 kun oo arday oo ka kala socota ilaa iyo 124 dal.

——————DHAMMAAD——————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya