U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhallinyarada Soomaaliyeed Ugu Baaqay Ka Qeybqaadashada Horumarka Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed kula dardaarmay ka qeybqaadasha dib u dhiska dalka iyo sidoo kale ka shaqeynta horumar badan oo dalka gaaro.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taasi oo lagu soo xirayay shir dhallinyarada Soomaaliyeed u socday Labadii maalin ee aynu kasoo gudubnay.

Waxa uu tilmaamay in dhallinyarada ay tahay kuwa kaliya ee dalka wax badan u tari kara, islamarkaana hadii wanaagga loo adeegsado yihiin kuwa kaliya ee dalkooda ka bedali kara marxalad walba oo uu dalka ku sugan yahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogga saartay sidii ay wax u baran lahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed, meesha looga saari lahaa caruur aan wax baran ayna fureen iskuullo iyo jaamacaddii Umadda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada dhibaatooyin badan ay la kulmeen markii qaarkood ay tahriibeen, kuwo badda Isbaarooyin dhigteen kuwana laga dhaadhiciyay fikirka Al-shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay u taagan tahay sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u noqon lahaayeen kuwa dalka hormuudka u ah, ka shaqeysta waxna barta.

Goobjoog News