U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Xasan Maxamuud Oo Hadda Gaaray Magaalada Kismaayo Iyo Bandow Saaran Magaaladaasi

Wararka hadda ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaas gaaray.

Safarka Madaxweyne Xasan Maxamuud oo ah mid aan horey loo sii shaacin ayaa magaalada Kismaayo dhan waxaa la saaray Bandow iyadoo dadweynaha loo diiday isa socodka.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhoweeyay Xasan Sheekh madaxda maamulka Jubbaland sida Axmed Madoobe iyo ku xigeennadiisa iyo masuuliyiin kale.

Lama oga safarka Madaxweynaha ee Kismaayo wuxuu ku qotomo, waxaana magaaladaasi hadda ku sugan oo horey u sii gaaray Maxamuud Axmed Nuur Tarzan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo iyagu u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Dalkan Soomaaliya.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News