U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka waxaana Jowhar ku soo dhoweeyay madaxda maamulka Hirshabeelle sida madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka baarlamaanka ee maamulkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jowhar kaga qeyb galaya caleema saarka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe.

Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu arkayo waddooyinka waa weyn ee magaalada Jowhar ciidamo la soo dhoobay oo aad u feejigan.

Waddooyinka qaar ee magaalada ayaa sidoo kale ciidamada ay xanibeen isa socodka sida waddooyin gala garoonka diyaaradaha iyo hoolkii shirarka ay ka soconayeen.

Goobjoog News