U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Helay Martiqaadka Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih, oo dalka booqasho ku jooga.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay martiqaad uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mohamed Ould Abdel Aziz, kuna saabsan ka qeybgalka Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dhammaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbaley martiqaadkaasi isagoo sheegay in Soomaaliya uu shirkaasi muhiim u yahay, ayna ka qeybgeli doonto. Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsadey Wasiirka inuu salaan qiimo badan ka gaarsiiyo Madaxweyne Ould Abdel Aziz.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mauritaniam Mudane Ahmed Izid Bih, ayaa sheegay in dalkiisu oo markii ugu horeysay martigelinayaa shir madaxeedkan uu xoogga saarayo in ajendayaasha ugu waaweyn ee laga doodi doono ay arrimaha Soomaaliya ka mid noqoto, isla markaana ku boorrin doonaan waddamada Carabta inay gacan weyn ka geystaan taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

01

03 02 04

——————–DHAMMAAD–———–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada