U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka In Ay Shaqeeyaan Waqti Ka Badan Inta Ay Haatan Shaqeeyaan

Sheeko:Dalka

Xasan SheekhMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw soo gaba gabeeyay Khudbad Horudhac ah oo uu ka jeedinaayay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, taasi oo meelo badan uu kaga hadlay.

Waxa uu ugu horeyn soo hadal qaaday arinta ku aadan kala aragti duwanaanshah oo uu sheegay in marxalado badan ay dalka u keentay, isaga oo tilmaamay in aan la’isku diidi karin dadka oo kala aragti noqda, laakiinse ay muhiim tahay waxa lagu kala aragti duwanaado in ay noqoto wax umadda dan u ah iyo shaqo la qabanayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay wax badan soo qabatay, haatanna ay hortaalo shaqooyin badan, taasina laga sugaayo xildhibaanada, xukuumada lasoo dhisi doono iyo isaga oo madaxweynaha ah.

Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ka codsaday si loo kabo waqtigii lumay in ay shaqeeyaan waqti dheeraad ah oo ka badan inta haatan ay shaqeeyaan.

“Xildhibaanada Baarlamaanka ee sharafta leh waxaan ka codsanayaa maanta in waqtiga ay shaqeeyaan ay saacado dheeraad ah ku daraan, si aynu u kabno waqtiga naga lumay” ayuu yiri Madaxweynaha

Dhanka kale waxa uu sheegay in dowladda oo dhan looga baahan yahay inay fuliso fursadda ay siiyeen dadka shacabka ah, islamarkaana amaano ay tahay, taa oo ah in dalka wax badan laga qabto.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Ma haysano waqti aan isku xamano, waqti aan faraha Isku Fiiq fiiqno, waqtiga noo haray waa in aynu horay u soconnaa”

Madaxweynaha ayaa jeedin doona Khudbadiisa caadiga ah oo arimo badan kale kusoo hadal qaadi doono.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News