U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Geerida Jeneraal Goobaale

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo shaley ku shahiiday magaalada Muqdisho, isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda kadib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.

“Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka. Waxaa uu ka soo baxay kaalintii kaga aaddaneyd ciribtirka cadowga Al Shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Goobaale, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyo xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale ayaa shaley ku shahiiday magaalada Muqdisho, kadib markii kooxaha nabad-diidka ay la beegsadeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

x3 x2 x1

————————-DHAMMAAD———————-——
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya