U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Geerida Xildhibaan Yuusuf Diri

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ilaaheey uga baryay in Xildhibaan Yusuf Dirir oo naxariistii Janno ka waraabiyo. Qoyska marxuumka, eheladiisa iyo Baarlamaanka Soomaaliyana wuxuu u rajeeyay in Ilaah ka siiyo Samir iyo iimaa.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Xildhibaan Yusuf Dirir Cabdi Allaah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana Alle ha ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo ehaladda, qaraabada, Baarlmaanka iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed“

“Xildhibaanku waxa uu ahaa howl-kar oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed isla markaana dowladnimada aad u jecelaa.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey hey’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo dabal-galka falalka noocaan oo in ay si deg deg ah baaritaan ugu sameeyaan dhagar-qabayaasha fuliyey falkaan.

“Waxaan ku kalsoonahay in ciidamadda ammaanku ay gacanta ku soo dhigi doonaan dhagar-qabayaasha dhuumaaleysanaya ee falkaan fuliyey, waxa ayna wajihi doonaan cadaaladda sidii kuwii la midka ahaa ee gacanta lagu soo dhigay sharcigana la marsiiyey“ ayuu madaxweynaha hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey.

Dhammaad.