U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Go’aankii Kenya Ee Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aankii Kenya ay ku sheegtay inay ku xiri doonto xeryaha Dhadhaab, wuxuuna sheegay in gao’aankaa laga yaabo in dhibaato badan u keeno shacabka qaxootiga ah.

Madaxweyne Xasan ayaa soo xusuusiyey Kenya heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee ku aadanaa inaan qasab lagu celin qaxootiga Soomaaliyeed.

“Waan ognahay walaaca ka haysta dowladda Kenya qaxootiga dalkaas jooga iyo waqtiga dheer ee qaxootigaan ay hoy u ahayd dalka Kenya, si kastaba ha ahaatee annaga ka dowlad Soomaaliyeed ahaan dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay waxaa jiray heshiis Saddax geesood ah oo aan horay uga wada saxiixannay arrinta qaxootiga”

“Waxaan si cad ugu sheegnay dowladda Kenya waxaana mar kale ku celinayaa in ay jirto mas’uuliyad siyaasadeed oo ka saaran dowladda Soomaaliya oo aan ku dooneyno in dadkeeno ay dalkooda kusoo noqdaan taasina wax su’aal ah kama taagna, waxaana uga mahadcelineynaa Kenya waqtiga ay na siisay oo ay ugu ogolaatay in dadkeenu ay ku joogaan Kenya si ammaan ah”

“Sheyga kaliya ee aan ka wadahadleyno wuxuu yahay qaabka iyo habka ugu habboon oo aan dadkaan si nidaamsan oo sharaf leh ugu soo celin karno si waafaqsan sharciga caalamiga ah, ma aha mid qilaaf keenaya ma rabno inay saameyn ku yeelato xiriirka aan la leenahay Kenya waxaana dooneynaa in dadkeenu ay dalka kusoo laabtaan iyadoo loo marayo hab wanaagsan”

Kenya ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka saari doonto qaxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab, taas oo caalamka oo dhan kasoo horjeestay.

Goobjoog News