U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta lagu qaaday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa sidan lagu yiri:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada guuldarrooyin culus oo ku habsadey awgeed ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey weeraradii waxashnimada ee saaka argagixisada ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dad u badan shacab ay ku shahiideen.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii maanta shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gebagabo ah.

——————————–DHAMMAAD——————–—–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya